Wadatashiga Wasiirrada Soomaaliya Ee Qorshaha Sanadka 2014 Oo Lasoo Gebagebeeyey * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wadatashiga Wasiirrada Soomaaliya Ee Qorshaha Sanadka 2014 Oo Lasoo Gebagebeeyey

Muqdisho – Mareeg.com: Kulan laba cisho ka soconayay Muqdisho oo looga hadlayay qorshaha xukuumada ee sanadka 2014 ayaa maanta lasoo gebagebeeyey, iyadoo lagu casuumay xubno matalayay beesha caalamka, dalalka deeqbixiyeyaasha, iyo safaarado.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa sheegay in kulankan ay si gaar ah diirada ugu saareen howlaha xukuumada ee u baahan iskaashiga beesha calaamka iyo dalalka deeqbixiyeyaasha, wuxuuna xusay in kulankani uu gogol dhig u noqon doono wada shaqeyn iyo iskaashi dhex mara beesha caalamka iyo xukuumadiisa.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay inuu ku faraxsan yahay in xubnaha beesha caalamku ay kulankan goob joog ka noqdaan, maadaama ay iskaashiga ugu badan la leeyihiin beesha caalamka, gaar ahaana Qaramada Midoobay Midowga Afrika iyo Midowga Yurub.

Shirka ayaa waxaa ka hadlay xubno matalayay Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Turkey, Norway iyo Isutagga Imaaraadka Carabta, waxayna dhamaantood ka mahadceliyeen casuumaadda, waxayna xuseen inay si buuxda u garab istaagi doonaan dawladda Federaalka.

Ku-xigeenka wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Philippe Lazzarini oo goobta ka hadlay ayaa xusay in Qaramada Midoobay iyo deeqbixiyeyaasha caalamku ay ku saleyn doonaan taageeradooda soo jeedinta dawladda Soomaaliya isla markaana aaney dhici doonin in kor looga keeno baahida iyo taageerada “Waxaan halkan ka cadeynayaa in beesha caalamka ay diyaar u tahay inay baahideeda ka dhegeysato dawladda Soomaaliya si looga taageero” ayuu yiri Lazzarini.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dalbaday golaha Wasiiradu inay u howlgalaan sidii dalka looga dhaqangelin lahaa qorsheyaasha xukuumadda loona gaarsiin lahaa dhamaamba gobolada dalka adeegyadii aas aasiga ahaa ee shacabku u baahanyihiin.

Shirkan ayaa ahaa kii ugu horreeyey ee ay isugu yimaadaan Golaha Wasiirrada ee Soomaaliya, wuxuuna socdey muddo labo maalmood ah. Ajendaha shirkan ayaa ahaa in Goluhu uu wadatashi ka sameeyo qorshaha xukuumadda ee sanadka 2014.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!