Wadahadalkii dowlada Somalia iyo Somaliland oo muddo kooban dib loo dhigay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wadahadalkii dowlada Somalia iyo Somaliland oo muddo kooban dib loo dhigay

Mareeg.com: Iyadoo lagu weday in berri ay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga dib uga furmaan wadahadalladii dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa waxaa la sheegay in dib u dhac ku yimid.

Lama sheegin sababta dhabta ah ee dhalisay dib u dhaca wadahadalada. Somaliland ayaa sheegtay in wadahadalladu bilaaban doonaan 1-da bisha March oo ah Axada soo socota.

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Biisi Yoonis ayaa sheegay in wada hadaladu muddo kooban dib u dhaceen islamarkaana 1-da bisha March ay Turkiga ka furmi doonaan.

Labada dhinac ayaa horey u yeeshay dhowr wareeg oo wadahadal ah, iyagoo ku heshiiyay iskaashi dhanka ammaanka ah.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!