Wadada ugu halista badan Muqdisho lagu bilaabay nalalka cadceeda ku shaqeeya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wadada ugu halista badan Muqdisho lagu bilaabay nalalka cadceeda ku shaqeeya

Mareeg.com: Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta Wadada Warshadaha ee Muqdisho ku bilaabay nalalka ku shaqeeya cadceedda, kadib markii horay loo saaray jidadka Maka Almukarramada, Wadanaha, Sodonka iyo kuwa kale.

Jidka Warshadaha ayaa loo arkaa inuu yahy wadada ugu halista badan Muqdisho, islamarkaana u dhwo halka looga baxo magaalada, iyadoo habeenkii xaalkeeda aan war badan la ogaan karin.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo ay wehliyeen qaar ka mid ah Gudoomiyeyaasha degmooyinka ayaa furay mashruucan naleynta wadada warshadaha, kaasoo uu ku tilmaamay inay qeyb ka tahay dib u soo celinta bilicda iyo mashaariicda horumarineed ee magaalada Muqdisho.

DSCF1435-CopyDSCF1471DSCF1422-Copy

Nalalka laga higeliyay Wadada ee ku shaqeeya Cad-ceeda ayaa gaaraya ilaa 333 nal oo lagu xiray dhamaan jidkaas dheer oo xiriiriya Ex Koontaroolka Balcad iyo Ex Koontarool Afgooye.

“Jidkan Warshadaha oo ka mid ah jidadka ugu waa weyn ee magaalada Muqdisho waxaa maanta laga hirgelinayaa mashruuca naleynta, jidkan waa 10-KM, laga bilaabo Ex Koontarool Balcad ilaa Ex Koontarool Afgooye, waxaa la gelinayaa ilaa 333 nal oo casri ah”ayuu yiri Gudoomiye Muungaab.

Gudoomiye Muungaab ayaa sidoo kale sheegay in mashruuca Naleynta jidka Warshadaha uu yahay mid wax weyn u tari doona isu socodka dadweynaha iyo ganacsiga habeenkii ee jidkaas oo aan muddo wax nal ah ka jirin.

Nalalkaan ku dhaqeeya cadceedda ayaa horay qaraxyo loola beegsaday, waxaana dhulka la dhigay qaar badan oo ka mid ah, kuwaasoo intoo badan ku yaalay Jidadka Sodonka iyo Wadnaha, inkastoo ay jiraan kuwa aan badneyn oo laga qarixiyey Wadada Maka Alumarrama.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!