
Waxaa saaka gebi ahaanba xirey wadada u dhaxeysa degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose iyo Magaalada muqdisho,waxaana gaadiidka sida ardayda iyo dadka kale ay isticmaalayaan jid qarda-jeex ah oo mara degamada Dayniile ee Gobolka Banaadir.
Sababta xirnaanshaha jidka ayaa lagu sheegay in Shirkadda Turkiga ee dhiseysa jidka Afgooye iyo Muqdisho ay go’aansatay in ay ka guurto goob qalabka iyo shaqaaluhuba deganaayeen oo dhawaan lagu qaaday Weerar ismiidaamin ah kaas oo sababay dhaawac iyo burbur hanti.
Warar qaar ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku adkeysatay in ay adkeyneyso nabadgelyada Shaqaalaha iyo qalabka shirkadda wadda dhismaha sidaas awgeedna waxa ay weydiisatay Shirkadda in ay sii waddo shaqada dhismaha jidka.
Shirkadda dhismaha jidka Afgooye iyo Muqdisho ayaa dhowaan shaacisay in ay hakineysa howsha dhismaha haddii aan dowladda Soomaaliya xal u helin sugidda nabadgelyada jidka.
18-Jan-2020 weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday saldhigga shaqalaaha wada dhismaha jidka Muqdisho iyo Afgooye ayaa sababay dhaawaca 3 kamid ah shaqaalaha iyo burburka qalab iyo gaadiid yaallay goobta.