Read Time:29 Second
Qardho, Mareeg.com: Saddex wadaad oo ka tirsanaa Jamaacada Tabliiq ayaa ku dhimatay, toddobo kalena waa ay ku dhaawacantay shil gaari oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Qardho ee gobolka Bari.
Ducaadda ayaa saarnaa gaari nooca loo yaqaano NOHA oo ka yimid magaalada Garowe, wuxuuna kusii jeeday magaalada Boosaaso ee xarrunta gobolka Bari.
Gaariga ayaa la sheegay inuu rogmaday xilli uu marayay beerta boqorka oo 30 km u jirta magaalada Qardho, waxaana dhaawacyada la geeyay isbitaalka magaalada Qardho.
Shilalka gaadiidka ayaa ku badan wadada laalimga ee look ala goosho gobollada Woqooyi iyo Bari ee Soomaaliya.
Mareeg.com