Muqdisho, Mareeg.com: Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa xalay gudaha Masjid ku yaala xaafadda Xamar Bile ee degmada Wardhiigley ee Magaalada Muqdisho ku dilay wadaad dhageysnayey Tafsiirka Qur’aanka Kariimka ah.
Wadaadka la dilay waxaa lagu magacaabi jiray Bashiir Bile, lamina oga cidda ka dambeysay dilka wadaadkaas.
Qof ka mid ahaa dadkii ku sugnaa masjidka markii diliku dhacayey ayaa sheegay in marqua maqaleen rasaas ku dhacaysa mid ka mid ah wadaadadii tafsiirka dhageysanayay.
Ninkaas ayaa warbaahinta u sheegay in dadkii masjidka ku jiray kala carareen, islamarkaana ragii dilka geystay iyaguna goobta ka baxsadeen.
Falkan ayaa argagax xoog geliyay dadkii tafsiirka dhageysanayay iyo shacabka ku nool Xaafada Xamar-bile oo ahayd halka ay toogashadu ka dhacday.
Ciidamo ka tirsan kuwa DF ayaa saakay baaritaano kawada xaafadaas si ay u soo qabtaan kooxihii weerarka ka dambeeyay, iyadoo sababta dilkan ka dambeysa aan weli la ogeyn.
Gudoomiyaha Degmada Wardhiigley Deeqo Axmed oo la hadashay qaar ka mid ah Warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in falkaas ay aad uga naxeen uuna ahaa mid arxan-darro ah oo ay geysatay kooxda Al-shabaab.
Horay ayaa meelo ka mid ah Soomaaliya oo Muqdisho iyo Garowe ka mid yihiin loogu dilay dad ku jiray Masjir iyo qaar salad tukanayey.
Mareeg.com