Wadaad taageera Alshabaab iyo xaaskiisa oo maxkamad lagu soo taagay Nairobi * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wadaad taageera Alshabaab iyo xaaskiisa oo maxkamad lagu soo taagay Nairobi

Nairobi – Mareeg.com: Wadaad Soomaali ah aan qarsan jirin taageeridda Alshabaab oo dhawaan isaga iyo xaaskiisu kala baxeen gurigiisa oo ku yaalla magaalada Nairobi ayaa shalay la horkeenay maxkamad, iyadoo loo heysto arrimo la xiriira waxa loogu yeero argagixisada.

Wadaadkaan oo lagu magacaabo Sheekh Xasaan Xuseen Aadam iyo xaaskiisa oo lagu magacaabo Fardowsa Maxamed Cabdi ayaa shalay oo khamiis ah kazoo muuqday maxkamad ku taalla Nairobi.

Sheekha ayaa lala xiray, waxaana lagu soo eedeeyay inay ku lug lahaayeen weeraro argagixiisnimo oo ka dhacay magaalada Nairobi, inkastoo ay eedeyntaas iska fogeeyeen.

Dacwad-oogaha maxkamada ayaa sheegay in booliiska ay ku heleen Sheekha labo bam oo nooca gacanta laga tuuro ah, isla markaana uu halis ku yahay amniga guud ee dalka Kenya.

Qareenka u doodayay wadaadkan iyo xaaskiisa ayaa beeniyey in wax bambaano ah ay haysteen, sidoo kalena aysan haysan aaladaha qarxa, taasna ay tahay mid been abuur ah oo la doonayo in dambi loogu yeelo wadaadka iyo xaaskiisa.

Maxkamadda ayaa diiday in damiin lagu sii daayo Sheekha iyo Xaaskiisa, dacwada lagu soo oogayna ay weli socoto, waxaana dib loogu celiyay halkii ay ku xirnaayeen.

Dhageysiga dacwadda wadaadkan iyo xaaskiisa ayaa dib u furmaysa 25-ka bisha Juun ee sannadkan 2014-ka, sida uu sheegay garsooraha maxkamadda.

Wadaadkan lagu magacaabo Sheekh Xasan ayaa ka mid ah culummada taageersan Al-shabaabta ka dagaalanta Soomaaliya, isagoo dhowr jeer jeediyay muxaadarooyin uu ku taageerayo dagaallada ay Al-shabaab kawadaan gudaha Soomaaliya.

Wadaadkan ayaa soo duubay cajalado badan oo uu ku gaaleysiinayo dad kala duwan, wuxuuna mar ku baaqay in dunida la dhafsiiyo culimada Al-ictisaam, oo iyaguna Sheekh Xasaan ka aaminsan inuu yahay nin heysta afkaartii Khawaarijta.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!