Wadaad Soomaali ah oo lagu dilay magaalada Cape Town ee Koonfur Afrika * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wadaad Soomaali ah oo lagu dilay magaalada Cape Town ee Koonfur Afrika

Mareeg.com: Kooxo hubeysan ayaa xalay magaalada Cape Town ee dalka Koofur Afrika ku dilay Macallin Cali Dhaarte oo ahaa Soomaali dukaan ku lahaa magaaladasi.

Wadaadkaan waxaa dilay burcad Koonfur Afrikaan ah ka kooban 3 qof, waxeyna ka qaateen lacag iyo alaab dukaanka taallay.

Dukaan kale oo ay Soomaali leedahay ayay dhaceen kooxdaan ka hor inta aysan dilin marxuumka oo ay ugu yimaadeen goobtiisa ganacsiga.

Alle ha u naxariistee, Macallin Cali Dhaarte, wuxuu ahaa qof ay Soomaalidu aad u garanayeen, wuxuu ka shaqeyn jiray xallinta khilaafaadka dhex mara Soomaalida ku nool magaalada Cape Town.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa kusoo laalaabta dilalka burcaddu u geysanayaan dadka ajaanibta ah ee Soomaalidu ku mid yihiin.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!