Wadaad Lagu Gowracay Duleedka Degmada Buulobarde * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wadaad Lagu Gowracay Duleedka Degmada Buulobarde

Buulobarde ( Mareeg)-Dableey ayaa xalay gurigiisa kala soo baxay kadibna gowracay Nin Magaciisa lagu sheegay Sheekh Cabdullaahi Cabdicasiis.

Marxuumka ayaa ka mid ahaa dadka degen Tuulada Jameeca Mubaarak oo hoostagta degmada Buulobarde ee Gobolka Hiiraan.

Dadka deegaanka ayaa Shabelle u xaqiijiyay in meydka Ninkaas rayidka ahaa oo qoorta ka go’an saaka lagu arkay deegaanka.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda falkaas laakiin guddoomiyaha degmada Buulobarde Cabdicasiis Duurow ayaa ku eedeeyay in  ay ka dambeeyeen dilkaas xarakada Al Shabaab.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!