Muqdisho, Mareeg.com: Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya iyo odayaasha beesha uu kazoo jeedo Xasan Daahir Aweys ayaa markale bilaabay wadahadal ku saabsan arrinta Xasan Daahir Aweys oo maalmahaan la iloobay.
Xasan Daahir ayaa dowladda Soomaaliya u xiran in ka badan 5 bilood, waxaana la qabtay kadib markii uu ka cararay Alshabaab, islamarkaan isu dhiibay maamula Ximad Iyo Xeeb oo iyaguna ku wareejiyey dowladda Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka dowladda Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed iyo xubno odayaal ah ayaa kawada hadlay maanta sidii lagu sii dayn lahaa Sheekh Xasan Daahir Aweys.
Mid ka mid ah odayaashii ka qeybgalay kulanka ayaa sheegay in kulanka dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo odayaasha beesha uu kazoo jeedo Xasan Daahir looga wada hadlay sidii loo sii deyn lahaa Xasan.
Odaygaan ayaa sidoo kale sheegay in kulanku uu ahaa mid arrimo dhowr ah la iskula meel dhigay, lana qabtay ballan kale oo labada dhinac ku kulamayaan.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in arrinta Xasan Xasan ay sii dabadheereysay isagoo ka fuqi waayey sii wadista dagaalada, isagoo sida la sheegay diiday inuu u hogaansamo dowladda Soomaaliya.
Mareeg.com