Wabiga Shabeelle oo ka fatahay deegaano horleh * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wabiga Shabeelle oo ka fatahay deegaano horleh

Wararka laga helayo degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Wabiga uu fatahaad ka sameeyey deegaano hoostaga degmadaas, iyada oo uu saameeyey dad u badan Beeraleey.

Tuulooyinka uu ka fatahay Wabiga ayaa waxaa gaaray Xubno ay kamid ahaayeen Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose iyo Maamulka degmada Afgooye, iyaga oo Jawaano ku xiray ilaa Afar meel oo uu Wabiga ka jabsaday.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay ku guuleysteen inay xiraan halkii uu wabiga ka jabsaday,waxaana uu ku baaqay in loo gurmado dadka ay saameeyeen fatahaadaha.

 “Wxaan wadnaa dadaalo aan ugu gurmanayno dadkeena sidoo kale waxaan ka codsanayaa gudiga gurmadka fatahaadaha DFS/KGS inay qaataan kaalintooda.

Shacabka uu saameeyay daadadka iyo fatahaada wabiga ayuu yiri”Guddoomiye Najax

Horay ayaa waxaa Wabiga Shabeelle uu fatahaad uga sameeyeen deegaano ka tirsan gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan,hayeeshee markaan uu fatahaad ka bilaabay deegaano katirsan Shabeellaha Hoose.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!