Waayeesha ugu da’da weyn dunida oo ku nool Mexico * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Waayeesha ugu da’da weyn dunida oo ku nool Mexico

Mareeg.com: Haweeney lagu magacaabo Leandra Becerra Ombriras, una dhalatay dalka Mexico ayaa noqotay qofka ugu da’da weyn dunida iyadoo la sheegay iney dhalatay 31-kii August sanadkii 1887.

Leandra ayaa shalay u dabaal degtay sanadguuradii dhalashadeeda, iyadoo gaartay da’da 127 sano, sidaas waxaa qortay Daily Mirror oo kazoo baxday UK.

Waayeeshaan oo soo aragtay dhacdooyin badan ayaa rumeysan iney cimri dheerida ka heshay Shukulaatada oo ay joogto u cunto iyo iney hurudo saacado badan ama xitaa maalmo.

Gabar haweeneydaan ayeeyo u tahay ayaa tiri “Waxey weli leedahay ilko adag oo ay si wanaagsan ugu ruugi karto Shukulaatada, taasoo ay aad u jeceshahay”.

Garabar kale oo lagu magacaabo Celia Hernandez, ayna waayeeshaan ayeeyo u tahay ayaa sheegtay iney hurdi karto mararka qaar 3 maalmood oo xiriir ah.

Cajuusadaan ayaan marka ay hurdada ka toosto ka sheekeysa taariikhihii dheeraa ee ay usoo joogtay.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!