Waan tanaasulay balse Gedo kama tanaasuli karo!
Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu ka sii dhammaanayo ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Sabtidii shalay ahayd hortagay Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ayaa jeediyay khudbad aan ku saabsanayn xaaladda dalka uu marayo.
Madaxweyne Farmaajo kama uusan hadlin, danta dalka, dadka iyo dastuurka uu u dhaartay, ee wuxuu ka jeediyay khudbad Maqaabkeedo hooseeyey.
Waxaa khudbadiisa uu ku celceliyay inuu u tanaasulay dhowr jeer danta dalka iyo dadka
Haddaba, su’aasha isweydiinta mudan waxaa weeye, miyuu madaxwweyne Maxamed Farmaajo u tanaasulay dhacdooyinkani soo socda ama wax lamid ah oo in uu doorasha boobo darteed u sameeyey
1- Doorashada dhiigga uu ku daatay ee Baydhabo
2- Dagaalkii siyaasadeed ee doorashadii Kismaayo
3- Isbedalkii dhismaha Hirshabeelle markii 2aad
4- Duullaankii uu ku qaaday Galmudug miyuu u tanaasulay
5- Iska hor-keenka madaxda Puntland iyo shacabkoodii miyuu u tanaasulay
6- Arrinta Khaliijka ma dowladda Qatar buu u tanaasulay
7- Wiilasha laga dagaal geliyay Itoobiya, miyuu u tanaasulay
8- Eryiddii RW hore Xasan Calii Kheyre muxuu ugu tanaasuli waayay
9- Guddoomiyihii gollaha shacabka Jawaari miyuu isaguna u tanaasulay
10- Gobolka Banaadir ma tanaasul baa?
Ka danjire Maxamed Caalim ahaan, waxaan qabaa hadalkii madaxweynaha ee ahaa dowlado shisheeye ayaa faragalin nagu haya, in isagu uu kow ka yahay cidda danaha shisheeye fulinaysa, marka la eego dhammaan
dhacdooyinkaasi oo uusan ka tanaasulin.
Waxaa kubaddu ay ag taal Cabdi Xaashi iyo Mursal,
waxaana kula talinayaa si dalka uu uga badbaado xasarado siyaasadeed iyo qalqal amni, in wixii ka dambeeya 8-da FEB oo ku beegan maalinta Isniinta ah in ay sameeyaan
madaxweyne kumeel gaara ah, kana sii shaqeeyaan sidii xaaladdani kala guurka ah uu dalka uga gudbi lahaa si nabadgalyo ah.
W/Q: Danjire Mahamed Caalim
Wabillaahi Towfiiq
Espoo, Finland
Comments are closed.