Waa Sidee Xiriirka Saxaafadda Madaxabanaan iyo Warbaahinta Madaxtooyada? , * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Waa Sidee Xiriirka Saxaafadda Madaxabanaan iyo Warbaahinta Madaxtooyada? ,

Saxaafadda Madaxabanaan ee Soomaaliya waxay soo martey marxalado kala duwan, waxaan u kala qaadeynaa Saddex qaybood, mid waa 1991-2000 waa Xiligii Wargeysyada Madaxabanaan ay hana qaadeen, mida Labaad waa 2000-ilaa 2013, waa Xiligii kacaankii Idaacadaha iyo Talefishinada, mida Sadexaad waa Xiliga maanta aan Joogno e Social Media-ha.

Marxaladii Wargeysyada waxay Saxaafadda Madaxbanaan ay la Kulantey marka la Fiiriyo Dhinaca Maamuladii Xiligaas Jirey Dil, Xarig iyo Hanjbaad ,waxaana la diley Wariyayaal Fara badan oo isugu jirey Soomaali iyo Ajnabi, Xiligii idaacadaha iyo Talefishinada iyana Saxaafada Madaxbanaan waxay DowladihIi Ku meel gaarka ahaa ay kala Kulmeen Dil, Xarig iyo hanjabaad , waxaana iyana Xiligaas Dhintey Wariyayaal fara badan .
Xiligii laga baxay Ku meel gaarka ee Sannadkii 2012 waxay Saxaafadda Madaxabanaan waxay u ahayd sanadkii ugu dhibaatada badnaa waxaa la diley Wariyayaal gaaraya 18 Wariye, waxaa la Xirey Wariyayaal oo qaarkood la soo taagey Maxkamad sidoo kale waxaa Albaabada la isugu dhuftey Dhowr Idaacadood inkastoo aysan Warbaahintaas u shaqeyn sidii laga rabey Warbaahin Dhexdhexaad ah oo ku shaqeyssa Xeerarka iyo Anshaxa Saxaafadda.
.
Hadaba Dulucda Maqaalka oo ah waa Sidee Xililgaan Xiriirka Saxaafadda MadaxaBanaan, Baraha Bulshada iyo Warbaahinta Madaxtooyada?, waxaa ay Saxaafada Madaxabanaan ay kuu sheegayaan in Xiligaan uu yahay Xiligii ugu wanaagsanaa marka la Fiiriyo Dowladihii ka Horeeyey, waxayna Tilmaameen in Xiriirkaas uu ku yimid Xubnaha maanta Warbaahinta u qaabilsan Dhinaca Madaxtooyada oo ugu Horeeyo Cabdi Nuur Maxamed Axmed oo ah Shaqsi mudo ka soo dhex jirey Warbaahinta isagoo la soo shaqeeyey Hayado qaabilsan Dhinaca warbaahinta.

Maalinkii Cabdinuur loo Magacaabey Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada waxaa uu ka shaqeeyey in Kulansiiyo Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha iyo Saxaafadda madaxabanaan, waana midaas in uu sii Kobco Xiriirkaas oo uu gaaro meeshii ugu sareysey, sidoo kale XiriIirka Saxaafada Madaxbanaan iyo Madaxtooyada waxaa uu Cabdinuur ii sheegey in ay ugu Wacan tahay Agaasimaha Madaxtooyada Mudane Fahad Yaasiin oo uu sheegey in uu yahay isna Shaqsi Muddo Dheer ku soo Dhex jirey Bahda Saxaafadda Xiriirna la leh Saxaafadda Madaxabanaan sidaa darteed dadaalka Cabdi Nuur iyo Geed Fadhiga Fahad Yaasiin la oran karo “Malab , Malab lagu darey, sidoo kale Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada waxaa uu isku Xaquuq ka dhigey Wariyaayaasha Soomaaliyeed iyo kuwa Shisheeya oo Cabasho weyn ka Imaan Jirtey marka la Fiiroyo Galaangalka Helida Wararka Madaxtooyada.

Isku soo duuboo Xiriirka Madaxtooyada ee Dhinaca warbaahinta iyo Saxaafadda Madaxabanaan waxaa si Kobciyey Iyadoo Cabdinuur ay Xafiiskiisa ka shaqeeyaan Xubno iyana ka soo shaqeeyey Saxaafada Madaxbanaan kuwaa oo Xirirkii Saxaafada Madaxabanaan iyo Madaxtooyada kor u sii Biley kuwaa sii Xoojiyey Hanaankii Wada shaqeyneyd ee Labada Dhinac , sidaa Darteed waa Markiiugu Horeysey oo Xiriir Isku so dhawaansho iyo Wada shaqeyn uu dhexmaro Madaxtooyada Bahda Warbaahinta Madaxabanaan marka la fiiriyo Maamuladii iyoi Dowladihi soo marey dalka.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.