Waa Maxeey Shaqada Iyo waxa looga bahanyahay TAFATIRAHA warbaahineed
Muqdisho ( Mareeg News ) Tifaftire ama turxaan bixiye waa qofka haya shaqada ugu adag raadiye tv website ama jaraaid.
Qofkani waa shaqsiga iska leh masuuliyada wax kasta oo lagu qoro ama ka baxaya halka uu tafotiraha ka yahay waana qofka lagu qaadayo danbi iyo gaf kasta oo lagu galo idaacada amtvga ama
jaraaidka uu mas uulka ka yahay.
Qaar ka mid ah turxaan bixiye yaashu waa ay fududeystaan hoowshan qaarkoodna waxa ay u isticmaalaan doorkooda waxa ay iyagu jecel yihiin iyaga oo ka faaideysanaya masuuliyada ay hayaan.
Waxyaabaha laga rabo tafaftiraha:
Waxaa jira dhowr arimood oo muhiim ah in uu kulansado qofka masuuliyadaan culus qabanaya kuwaas oo ku u qaadayada tayada shaqada laga rabo kana dhigaya mid hufan oo nadiif ah.
- Confidence and good plans. In uu yahay qof kalsooni qaba islmarkaana hindasiyaashiisu ay
wanaagsanyihiin.
- In depth knowledge of media. In uu garasho wanaagsan u leeyahay saxaafada islmarkaana ka qabo aragti qoto dheer oo uu yahay qof wax badan og.
- Ability to generate ideas. In uu lee yahay karti uu ku abuuri karo fikrado sheeko ama war noqon
kara ama in uu yahay hal abuur wax soo kordhinaya.
- High level of IT skills. In aay aad u sareyso heerka xirfada ee uu ka joogo dhinaca It ama isticmaalka aaladaha sida computers iyo wixii la xiriira ee muhiimka u ah saxaafada
- Ability to deal with the team. In uu leeyahay awood uu kula dhaqmo dadka la shaqeenaya.
- Ability to research things. In uu leeyahay awood uu wax oo sameenaya daraasaad islamarkaana uu
yahay qof maskax furan oo aad wax u aqriya lana socda waxyaabaha soo kordha markasta.
Waajibaadka laga rabo tafaftiraha.
- Selection of the stories. In uu xulo sheekooyinka warka noqonaya uu aad ugu dhabo galo.
- Checking the facts. In uu baaro xaqiiqada warbixinada.
- Commissioning. In uu wariyeyaasha wararka u kalo diro in uu ka talo bixiye shaqada maalinkaas la
qabanayo.
- Keeping editorial ethics. In uu ilaaliyo anshaxa guud ama waxyaabaha looga baahan yahay turxaan bixinta.
W; D: MM Dhoorre
Comments are closed.