Waa Maxeey Mooshinada soo Boodada ah !! * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Waa Maxeey Mooshinada soo Boodada ah !!

Waxaa maqli Jirey Isbaaro soo boodo ah,waxayna Isbaarada noocaan ah ka jirtaa inta badan Dhulka Soomaaliya , waana isbaaro aysan fileyn Dadka Safarka ah marka ay Safrayaan waxayna Dadka ku tilmaamaan mida ugu Dhibaatada badan marka la fiiriyo Isbaarooyinka kale ee Wadooyinka la soo dhigo sidaa Darteed Maxay tahay Mooshinkaan soo boodada ah ee Jawaari laga Gudbiyey, waxaa ka sii yaab badan Xiliga Mooshinka la gudbiyey oo ahayd Saakey 12 Subaxnimo, sidaa Darteed waligeed ma dhicin Xildhibaano waqtigaas soo kaca oo mooshin Gudbiya waxayna intooda badan soo shaqo tagaan Xilga barqadii “Aleyle Timir laf baa ku jirta”

Mooshinkaas soo boodada ah iyo waqtiga la Gudbiyey waxaa kuu soo baxaya in Xaley oo dhan aan la seexan Calaashaan Abaabulka heerka uu gaarsiisan yahay , waxayna Bulshada Soomaaliyeed ay la noqtey fajaciso iyo lama filaan waayo waxay maqli jireen Mooshin in muda la hadal hayo marka yaa waaye Cida Daaha gadaashiisa ku jirta iyo Gacanta daahsoon ee Maamuleysa Mooshinka .

Jawaari oo Siyaasi Qunyar Socodka oo inta badan Qaboojiya Siyaasadaha ku saleysan Khilaafka ayaa la ogeyn waxa uu ku dambeyn doona Mooshinkaas iyadoo Mudane Jawaari oo diidanaa in mar kale ku soo laabto Xilka Gudoomiyaha ayaa Codsi kaga yimid bulshada Soomaaliyeed ku qabtey Xilkaas maadaama uu yahay Qaamuus Sharciyeed oo Khibradiisa loo baahan yahay waxaana inta badan dib loogu celiyaa marka la isku qabto Sharciyada Gudaha iyo Dibadda ,waxayna Dadka qaar ay tilmaamayaan in ay adag tahay in si fudud ama soo boodo ah looga qaado Xilka.

Nin odey ah oo saakey aan ku kulaney meel Shaaha laga cabo ayaa waxaa uu yiri “Mar aan saakey Furey mid ka mid ah Idaacadaha ayaa lagu bilaabey in 100 Xildhibaan ay Gudiyeen Mooshin oo aysan Carabaabin Cida laga gudbiyey, waxaa qalibiga gashadey in ay soo yeeri doonto wixii qalbigeyga ku taagnaa, hase yeeshee markaan Maqley jawaari baa laga Gudbiyey Mooshin aad baan uga caroodey waana ka dhaqaaqey halkii aan Warka ka dhageysanayey waliba kaligey ma ahayn ee dadkii dhamaa ayaa afka gacanta saarey waxaana iri “Waa Madaxii oo Majo loo rogey”

Doraad waxay ahayd Shirkadii DP WORLD oo dalka laga eryey , maanta ma Jawaaribaa , beri maxaa Xigi doona, waxaan Sugnaaba waa mooshinka soo Boodada ah oo aan horeyBbaarlamaanka federaalka Soomaaliyeed looga baran sidaa hore u sheegey Isbaarada Soo boodada ah aad aby u dhibaato badan tahay oo dadka Soomaaliyeede aad bay uga naxaan marka Mooshinka Soo boodada ah ee laga gudbiyey Aabihii Xalinta Khilaafka , aabihii Sharciga , Aabihii Aqoonta Aaabihii afka Soomaaliga aad bay uga naxeen waana adag tahay in la helo shaqsi la mid ah oo buuxiya Booskaas maadama Khibradiisa wax badan lagu soo moodey waxaa ii muuqda in mooshinka Jawaari uu yahay mid aan laga fiirsano marka la arkii doonee halka uu ku dambeeyo Mooshinka Soo boodada ah

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!