Mareeg Media
Somalia

Villa Soomaaliya oo ka jawaabtay Go’aankii Golaha Ammaanka ee QM

Villa Soomaaliya ayaa ka hortimid qaraarkii ay dhawaan soo saareen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey kaas oo ku saabsanaa mudo kordhinta lagu sameeyey cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Cabdi Saciid Maxamed Cali oo ah La-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in Go’aanka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey uu yahay mid soomaaliya xayiraad ka saaraya inay ka adkaato argagaxisada.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ayuu ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay xilligaan wado qorsho dib loogu dhismayo Ciidamada Qalabka sida,isla markaana ay u baahan tahay in cunaqabateynta laga qaado.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray Cabdi Saciid Maxamed Cali oo ah La-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya in saaxiibada soomaaliya qaarkood aysan xiiseeneyn inay na taageeraan islamarkaana ay qalabeeyaan ciidamadeena,balse ay abuurayaan xayiraad horleh.

Si kastaba Go’aankii Golaha Ammaanka ay ugu cadeeyeen in mudo hal sano ah lagu kordhiyo cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ayaa waxaa ka aamusay dalalka kala ah Ruushka, China iyo Equatorial Guinea.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!