Daawo Video: Raashiya oo quursatay gaari gaashaaman oo Taliyaanigu soo saaro

Read Time:1 Minute, 5 Second

Mareeg.com: Wasaaradda difaaca dalka Raashiya ayaa quursatay oo dib isaga celineysa gaadiid gaashaaman oo dalka Taliyaanigu soo saaro, kadib markii tijaabo lagu sameeyey.

Halkaan ka daawo Video Muujinaya Gaariigaas Gaashaaman ee Raashiya quursatay

Gawaaridaan gaashaaman oo lagu magacaabo “Quintoro” ayaa lagu tijaabiyey duleedka caasimadda Raashiya ee Moscow.

Wasiir ku xigeenka gaashaandhiga Raashiya, Yuri Borisov ayaa sheegay in Raashiya go’aansatay iney ka laabato qorshe ay gaadiidkaas uga iibsan laheyd dalka Taliyaaniga oo soo saaray.

Quintoro ayaa ah gaari gaashaaman oo aad u culus oo Taliyaanigu soo saaro, waxaan loogu yeeraa magaca ah dilaagii Taangiga “Killer tanks”.

Gaarigaan oo sida gentaal la mid ah kan Taangiga ayaa sidoo kale qaban kara howlo sahan ah.

Waxaa gawaaridan horay looga adeegsaday dalalka Yugoslavia, Iraq iyo Somalia, waxaana dalka Taliyaaniga lagu sameeyey sanadihii1991-2006.

Quintoro ayaa ku qalabeysan gentaal 120 mm iyo labo machine guns oo ah 7.62 mm. waxeyna saacadii socon kartaa 110 km.

Wasaaradda difaaca Raashiya ma sheegin sababta ay u diiday iney qalabkaas ka iibsato dalka Taliyaaniga waxaase loo badinayaa in Raashiya gaadiidkaas saluugtay.

Qeyb ka mid gaadiidkaa gaashaaman oo si tijaabo ah loo geeyey Raashiya ayaa dib loogu celinayaa dalka Taliyaaniga.

Mareeg Media

 

 

 

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.