USA: Wiil ka dhacay daar 11 biyaano ah oo soo kabanaya

Minneapolis – Mareeg.com: Xaalada Muuse Dayib oo horay uga dhacay daar 11 biyaano ah dalka Mareykanka ayaa hadda u muuqata mid soo hagaagtay.

wiil

Wiilkaan Soomaaliga ah ayaa kasoo kabsaday dhaawac yar oo kasoo gaaray gacanta, kadib markii uu bil kahor kasoo dhacay dabaqa 11-ad ee magaalada Minneapolis.

Faadumo C/laahi, oo ah hooyada dhashay Muuse, ayaa sheegtay in hada Xaalada wiilkeedu tahay mid aad u wanaagsan.

Muuse Dayib ayaa xilli habeen ah kasoo dhacay daaqada gurigooda oo ku yaal Minneapolis, xiligaasoo hooyadiis Faadumo ay hurdeysay.

Hooyo Faadumo oo ka sheekeeyneysa dhacdada naxdinta leh, ayaa sheegtay in habeen kahor inta uusan Dayib daaqaada ka dhicin ay ku riyootay isagoo daaqada ka dhacaya.

“Waxa uu i lahaa hooyo i saacideey, waa uu ooynayay, riyadaas kadibna si dhab ah ayuu habeenkii xigay daaqada uga dhacay” ayay tiri hooyo Faadumo.

Muuse Dayib, ayaa ku bad baaday awooda Alle iyo naxariistiisa, waayo meesha uu kasoo dhacay iyo sida wax u gaareen waxay ahayd mid mucjiso ku noqotay Caalamka.

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245