USA: Gabar 7 jir ah oo ka lugeysay goob diyaarad kula dhacday * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

USA: Gabar 7 jir ah oo ka lugeysay goob diyaarad kula dhacday

Booliska Mareykanka ayaa sheegaya in gabar yar oo ka bad baadiyay shil diyaaradeed, laga saaray cisbitaal ay ku sugneyd.

Gabadha oo 7 sano jir ah ayaa kasoo lugeysay halka ay qoyskeeda diyaaradda kula dhacday, iyada oo soo socotay masaafo ka badan hal kilo mitir, si ay caawimaad u raadsato. Shilka ayaa ka dhacay meel keyn ak oo ku taalla gobolka Kentucky.

Gabadha ayaa tagtay guri halkaa ka dhowaa, waxaana dadkii joogay ay u sheegtay in qoyskeedii uu ku dhintay shilka diyaaradda.

Kooxaha samata bixinta ayaa markii dambe deegaankaasi ka helay meydadka waalidka gabadha, gabar la dhalatay iyo qof ehelkooda ah.

Diyaaradda qoyska siday ayaa burburtay kaddib markii ay hawada xumaatay. Sarkaal ka tirsan booliska ayaa sheegay in gabadhan la siin doono abaalmarin maadaama ay muujisay geesinimo.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!