USA: Doorashada Dowladaha Hoose Oo Maanta Loo Dareerary & Soomaali Badan Oo Tartamaya

Minnapolis – (Mareeg.com): Goobollada kala duwan ee dalka Mareykanku ka kooban yahay ayaa maanta oo Talaado ah looga dareeray doorashada dowladda hoose.

Magaalada Minnapolis ee gobolka Minnesota, oo Soomaalida ugu badan ka degan yihiin dalka Mareykanka ayaa waxaa dadka xilalka u tartamaya ka mid ah dhowr musharrax oo Soomaali ah.

Waxaa muhiimad gaar ah leh doorashada magaaladda Minneapolis oo ayka mid yihiin dadka doorashada ka qaybgalaya sagaal qof oo Soomaali ah oo shan ka mid ah ay u tartamayaan hal kursi.

Waxaa iyadana xiiso leh inay murashaxiinta u tartamaya duqa magaalada Minnapolis ay doonayaan inay helaan codadka Soomaalida gobolkaas ku nool.

Tartamayaasha Soomaalida ah waxaa ku jira kuwo xagga hore kaga jiraan saadaasha la sameeyay; sida Cabdi Warsame oo u sharraxan jagada golaha deegaanka ee Minnapolis oo shantii isbuuc ee lasoo dhaafay ay u codeeyeen dad lagu qiyaasay in ka badan kun qof oo sharcigu u fasaxayo inay sii codeyn karaan inta aan la gaarin maalinta codaynta.

Sidoo kale, Haashim Yoonis oo isaguna la hadal hayo, musharrax Murshid Barud oo u ka tartamaya magaalo aan aheyn magaalada Minneapolis balse aan sidaas uga forgeyn oo lagu magacaabo Eden Prairie isagoo u tartamaya golaha maamula waxbarashada xaafadda (School Board).

“Rajo weyn ayaan qabaa, maadaama aan soo galay halgan dheer, waxaana rajeeynayaa ineey ii codeeyaan Ummada Somaaliyeed oo dhan” ayuu yiri Haashim.

Xaafadda lixaad ee magaalada Minneapolis oo ah midda ugu tartamayaasha badan xagga Soomaalida ayna deggen yihiin Soomaalida ugu badan ayaa waxaa ka tartamaya murashaxiinta kala ah: Cabdi Warsame, Maxamed Cali, Cabdi Caddow, Sheekh Cabdul iyo Abuukar Cabdi.

“Aniga rajada aan ka qabo waa 90%, maxaa yeelay Minneapolis waa 76 xaafadood, meeshana waxaa dagan Muslim iyo Kirishtaan, ayuu yiri Cabdi Madoow”.

Xaafadda sagaalaad ee Minneapolis ayaa waxaa iyadana ka tartamaya Cabdi Cabdulle. Sidoo kale, gudiyada maamuulka goobaha nasashada ama Parks-ka waxaa laba xafiis oo ka mid ah u tartamaya Haashim Yoonis iyo Siciid Maye.

Dhanka kale, magaalada Lewiston gobolka Maine waxaa ka sharraxan guddiyada maamula Iskuullada, waxaana u tartamaysa gabar Soomaaliyeed oo lagu magacabo, Zamzam Maxamuud.

Natiijada doorashooyinkan ayaa lagu wadaa in lagu dhawaaqo caawa oo Talaado ah xilli danbe, iyadoo murashaxiintu ay dadaallo badan ku jiraan maanta, mid walba uu si gaar ah u rajeynayo guul uu ka gaaro doorashada.

Mareeg.com