Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) Q.M, Mareykanka & Turkiga Oo Siyaabo Kala Duwan U Cambaareeyey Qaraxii Ka Dhacay Muqdisho

Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Yuusuf Bin Axmed Cuthaymayn ayaa si kulul u cambaareeyey Qaraxii ay ku dhinteen 40 qof kuna dhaawacmeen boqolaal dad ah.

Waxa uu sheegay inay Tacsi u dirayaan dowlada federaalka Soomaaliya iyo qoyaska ay dadka kaga geeriyoodeen Qaraxaasi, wuxuuna xusay in dad rayid ah lagu dilay qaraxasi.

Dhinaca kale, Ergayga Gaarka ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Michael Keating ayaa sheegay inay QM cambaaraynayso qaraxyadii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay ayuu ku sheegay in Hawlgalka QM ee Somalia (UNSOM) cambaaraynayaan qaraxyadda lala begsado dadka rayidka ee ku nool Muqdisho, waa sida uu hadalka u yiri.

Waxa kale oo uu sheegay inuu ka argagaxay Qaraxyadaasi, wuxuuna Tacsi u diray Ehelladda dadkii shalay ku geeriyoday Qaraxyadaasi.

Dhinaca kale, Hadal qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka waxay cambaarsay Qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho, waxaynta u tacsideyeen Qoysaskii ay dadka uga geeriyodoeen qaraxaasi.

Sidoo kale hadal qoraal ka soo baxay dowlada Turkiga ayaa waxaa lagu Cambaareeyey Qaraxii waxyeelada badan dhaliyay ee shalay ka dhacay Isgoyska Soobe ee Muqdisho, iyagoona u tacsiyadeeyay Qoysaskii ay dadka uga geeriyodoeen Qaraxaasi.

About Xuseen Axmed 1576 Articles
Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia