Ururka Al Shabaab Oo Weeraray Saldhiga Ciidamada Jabuuti Ee Degmada Jalalaqsi
Wararka ka imaanaya Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab ay weerar Madaafiic ah ku qaadeen Saldhigyada Ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin Degmadaasi.
Tiro Madaafiic ah ayaa la sheegay in ay ku dhaceen gudaha Saldhiga Ciidamada Jabuuri ay ku leeyihiin Degmada Jalalaqsi waxaana la sheegay in Madaafiicdaan laga soo tuuray Duleedka Degmada.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in Ciidamada Jabuuti Madaafiicdaasi ay ka soo gaareen Khasaare, islamarkaana dhaawacyo saakay loo qaaday dhanka Magaalada Baledweyne.
Dagaalyahanadii ka tirsanaa Ururka Al Shabaab ee Madaafiicda ku weeraray Saldhiga Ciidamada Jabuuti ayaa ka cararay Duleedka Degmada Jalalaqsi, markii Madaafiicdaasi ay ku weerareen Degmada Jalalaqsi.
Comments are closed.