Ururka Al Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Saldhig Ciidamada Dowlada Ay Ku Leeyihiin Baardheere * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ururka Al Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Saldhig Ciidamada Dowlada Ay Ku Leeyihiin Baardheere

Wararka saakay aan ka heleyno Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi xalay Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada dowlada ay ku leeyihiin Magaaladaasi waxaana weerarka xigay dagaal Xoogan.

Dagaalka ka dhacay Baardheere ayaa waxaa la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan waxaana dagaalku uu qaatay mudo Saacado ah.

Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ayaa sheegay in Shabaabkii wax soo weeraray ay jabiyeen islamarkaana ay ka dileen 8 dagaalame sida ay hadalka u dhigeen.

Dhanka kale Ururka Al Shabaab weli wax  war ah kama soo bixin oo ku aadan dagaalka ka dhacay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Ma jirto illo madax Banaan oo xaqiijin kara sheegashada Saraakiisha Ciidamada dowlada ee ku aadan in dagaalka ay ku dileen ku dhawaad 10 dagaalame oo ka tirsan Al Shabaab

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!