Ururka Al Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Dhismaha Warshad Hore

Read Time:39 Second

Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa xalay fiidkii waxa ay weerar ku qaadeen dhismaha Warshadii hore ee Barafuunka Degmada Heliwaa, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha ciidamada dowladda.

Weerarka ayaa ku bilowday markii qoriga loo yaqaan zabanka ay ku dhuften irida hore ee difaaca ciidanka, kadibna waxaa xigay rasaas toos ah oo ciidamada Shabaab ay ku fureen difaaca ciidanka.

Ciidamada dowladda ayaa dhankooda iska caabiyay weerarkaasi Shabaab ay ku soo qaadeen, waxaana la sheegay inuu halkaasi ka dhashay khasaare dhaawacyo ah oo ciidamada soo gaaray.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ay ku dhaawacmeen dagaalkaasi, halka aanan la ogeyn Shabaab waxa soo gaaray.

Al Shabaab ayaa weerarada noocaan oo kale ah waxa ay  ku qaadaan difaacyada ciidamada dowladda ay ku leeyihiin Degmooyinka Heliwaa iyo Yaaqshiid.

 

About Post Author

Xuseen Axmed

Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %