Ururka Al Shabaab Oo Soo Bandhigay Sawirada Weerarkii Ka Dhacay Af-Urur + Sawirro * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ururka Al Shabaab Oo Soo Bandhigay Sawirada Weerarkii Ka Dhacay Af-Urur + Sawirro

Ururka Al Shabaab ayaa soo bandhigay Sawiradda Meydadka Ciidamada maamulka Puntland ee dhawaan Lagu laayay weerarkii ka dhacay Deegaanka Af-urur oo qiyaas ahaantii ku dhawaad 100 KM koonfur-galbeed kaga beegan Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Muuqaalada ay baahisay qeybta Al Shabaab u qaabilsan warfaafinta waxaa ka muuqda Khasaare weyn oo gaaray xerada iyo Ciidamada Puntland, oo ay ku jiraan gaadiid la gubay iyo hub la bililiqeystay.

Dagaalkaas ayaa la sheegay in lagu dilay 45 askari oo ka mida ciidamada Puntland oo ay ku jiraan saraakiishii ugu sareysay ee Saldhiggaasi.

Weerarkii  ka dhacay Deegaanka Af-urur  13 June 8, 2017 ayaa ahaa midkii ugu Khasaaraha badnaa ee Ciidamada Puntland ee la kulmaan tan iyo markii ay Al Shabaab Saldhig ku sameysteen.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!