Ururka Al Shabaab Oo Soo Bandhigay Ciidamo Cusub * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ururka Al Shabaab Oo Soo Bandhigay Ciidamo Cusub

Dagaalyahanada Ururka Al Shabaab ayaa soo bandhigay ciidamo Cusub oo ka howlgalaya degaanka Kuunya Barow oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose.

Ciidanka cusub ee Shabaab ay soo bandhigeen ayaa ah kuwa loo yaqaan (Xisbada), ciidankaan ayaa ka howlgalaya degaanka Kuunya Barow, waxaana la sheegay inay ka hortagayaan dadka Aflaanta xun xun kuwata taleefoonada.

Guddoomiyaha Ururka Al Shabaab ugu magacaaban Gobolka Shabeellaha Hoose Sheekh Abuu Usaama ayaa sheegay in loo baahan yahay shacabka inay la shaqeeyaan ciidamada.

Waxa uu intaa ku daray Guddoomiyaha inaysan dhibaateyn doonin Bulshada, balse ay fari doonaan wanaaga, islamarkaana loo baahan yahay inay ka hortagaan wax kasta oo xumaan ah.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.