Ururka Al Shabaab Oo Soo Bandhigay Askar Ka Soo Goosatay Maamulka Jubbaland * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ururka Al Shabaab Oo Soo Bandhigay Askar Ka Soo Goosatay Maamulka Jubbaland

Dagaalyahanada Ururka Al Shabaab ayaa Degmada Jilib ee Xarunta Gobolka Jubbada dhexe ku soo bandhigay maanta Afar Askari oo ay ku sheegeen inay ka soo goosteen maamulka uu hogaamiyaha ka yahay Axmed Madoobe.

Goobta lagu soo bandhigaayay Afartan Askari ee Al Shabaab kaga soo biiray dhanka maamulka Jubbaland ayaa waxaa ku sugnaa Mas’uuliyiin ka tirsan Al Shabaab iyo dad Shacab ah.

Askartan ayaa waxaa Magacyadooda lagu kala sheegay Maxamed Isxaaq Nuur, Xasan Nuur Xuseen, Xasan Abeyle Xoosh,Iyo Cumar Yuusuf Muuse,iyagoona  la hadlay Warbaahinta ku hadasha Afka Ururka Al Shabaab ayaa waxa ay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin ka soo tegida Ciidamada Jubbaland.

Dhawaan ayay aheyd markii Ururka Al Shabaab Degmada Jilib ee Xarunta Gobolka Jubbada dhexe  kusoo bandhigeen Saddex Askari oo ay ku sheegeen in ay ka soo goosteen Ciidamada maamulka Jubbaland.

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!