Al Shabaab Oo Sheegtay Mas'uuliyada Dilka Gudoomiyihii Gobolka Galgaduud * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Al Shabaab Oo Sheegtay Mas’uuliyada Dilka Gudoomiyihii Gobolka Galgaduud

Dagaalyahanada Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada dilka Gudoomiyihii Gobolka Galgaduud Maxamed Cali Cilmi, oo xalay lagu dilay degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Dabley Hubeysan ayaa gudoomiyaha ku dhex toogtay guri ku yaalla xaafada Carafaat ee degmada Yaaqshiid ka hor inta aysan goobta isaga baxsan.

War Qoraal ah oo lagu daabacay Warbaahinta taageerta Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay in Ciidamo gaar ah oo ka tirsan Dagaalyahanada Al Shabaab ay weerarkasi fuliyeen.

Weerarkasi waxa sido kale lagu dilay nin la dhashay gudoomiyaha.

Maxamed Cali Cali ayaa xilkan loo magacaabay horaantii bishii Janaayo ee sanadkan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!