Ururka Al Shabaab Oo Madaafiic Ku Garaacay Magaalada Baardheere
Wararka aan ka heleyno Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay ku waramayaan in halkaasi Saakay Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab ay Madaafiic ku garaaceen.
Madaafiicda Al Shabaab ay ku garaaceen Magaalada Baardheere ayaa waxaa la sheegay inay sababtay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dadkii joogay halka ay madaafiicda ku soo dhacday.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Baardheere oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Al Shabaab ay Madaafiicda kasoo tuurayeen Duleedyada Magaalada Baardheere.
Gudaha Magaalada Baardheere ayaa la sheegay inay kusoo dhacday 6 Hoobiye islamarkaana waxa ay sababeen Khasaaro nafeed.
Dadka ay waxyeeladu soo gaartay ayaa kor u dhaafaya ilaa iyo 5 qof waxaana hadda Ciidamada dowlada ay howlgallo ka waddaan goobtii madaafiicda laga soo tuuray.
Comments are closed.