Ururka Al Shabaab Oo Maanta Laga Saaray Degmada Badhaadhe Ee Gobolka Jubbada Hoose

Waxaa maanta Ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa AMISOM oo taageero ka helaaya ciidamo Caddaan ah ay la wareegeen Degmada Badhaadhe oo ku taalla Gobolka Jubbada Hoose.

Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa laga saaray Ururka Al Shabaab , waxaana hadda si buuxda gacanta ku haya Ciidamada maamulka Jubbaland.

Dagaal kooban oo ka dhacay Magaalada ayaa waxaa ku dhintay 1 qof oo dumar ah sidoo kale kalena waxaa ku dhaawacmay 4 qof kale.

Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa hadda joogga meel degmada Badhaadhe u jirta 20 KM.

Mid ka mid ah Dadka Deegaanka ayaa inoo sheegay  in hada Degmada Badhaadhe ay gacanta ku hayaan Ciidamada maamulka Jubbaland  islamarkaana Ururka Al Shabaab laga saaray.

Degmada Badhaadhe ayaa waxaa gacanta ku hayay sanadyadii ugu dambeeyay Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab.

About Xuseen Axmed 1576 Articles
Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia