Ururka Al Shabaab Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Qaayib Ee Gobolka Galgaduud * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ururka Al Shabaab Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Qaayib Ee Gobolka Galgaduud

Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa maanta la wareegay Deegaanka Qaayib oo hoostagga Deegaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud isaga oo wax dagaal ah uusan ka dhicin.

Deegaanka Qaayib oo hoostagga Deegaanka Baxdo ayaa lagu soo waramayaa inay gabi ahan ay gacnta ku dhigeen Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab sida ay sheegeen Dad ku sugan Deegaanka Qaayib.

Sida aan Wararka ku heleyno ayaa sheegaya in Ururka Al Shabaab ay Deeganka Qaayib ay kasoo galeen labo dhinac oo kala ah Deeganada Day iyo Xiindheere.

Deegaanka maanta ay la wareegeen Dagaalyahanada Al Shabaab isaga oo wax dagaal ah uusan ka dhicin ayaa waxa uu qiyaas ahaan 30km u jiraa Deegaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!