Ururka Al Shabaab Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Dumaaye Ee Gobolka Mudug
Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug gaar ahaan Deegaanka lagu magacaabo Dumaaye ayaa ay sheegayan in maanta halkaasi ay la wareegeen Ururka Al Shabaab.
Dagaal Culus oo u dhaxeeya Maleeshiyo iyo Ururka Al Shabaab ayaa maanta ka dhacay Deegaanka Dumaaye oo qiyaas ahaan 50KM dhanka Waqooyiga uga beegan Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.
Ururka Al Shabaab ayaa maanta la wareegay gacan ku heynta Deegaanka Dumaaye oo markii hore ay joogeen Maleeshiyo deegaanka ah.
Dadka Deegaanka Dumaaye ayaa Cabsi xoogan ka qaba la wareegida Ururka Al Shabaab ee maanta Deegaankaasi.
Dagaalka maanta ka dhacay Deegaanka Dumaaye ayaa waxaa ka dhashay khasaaro xaoogan oo soo kala gaaray dhinacyada halkaasi ku dagaalamay.
Comments are closed.