Ururka Al Shabaab Oo Maanta Hawada Ka Saaray Isgaarsiinta Degmooyinka Hobyo iyo Xarardheere

Read Time:33 Second

Wararka aan ka heleyno Koonfurta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayan in Ururka Al Shabaab ay hawada ka saareen Isgaarsiinta Degmooyinka Hobyo iyo Xarardheere.

Isgaarsiinta Degmooyinka Hobyo iyo Xarardheere ayaa hawada ka maqneyd shalay ilaa iyo maanta waxaana arintan lagu sheegay inay tahay dagaalo ka socda Deegaano u dhow Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Dagaalka ka socda Deegaanada u dhow Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa waxa ay u dhaxeeyan Ururka Al Shabaab iyo dadka deegaano hoos taga Degmada Xarardheere.

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa sheegay inay Ciidan u dirayaan Deegaanada ay xiisadaha ka jirto si ay dadka deegaanka u taageeraan ee dagaalka kula jira Ururka Al Shabaab.

About Post Author

Xuseen Axmed

Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.