Ururka Al Shabaab Oo La Wareegay Deegaanka Bariire * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ururka Al Shabaab Oo La Wareegay Deegaanka Bariire

Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha  Hoose gaar ahaan Deegaanka Bariire ayaa waxa ay sheegayan in halkaasi Xalay Saqdii dhexe ay la wareegeen dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab kadib markii halkaasi ay isaga baxeen Ciidamadii dowlada ee sugnaa.

Ciidamada dowlada Soomaliya ee halkaas ku sugnaa ayaa waxaa la sheegay in mudooyinkii dambe ay wadeen dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo ay uga baxayaan Deegaanka Bariire ugu dambeyntii Xalay Saqdii dhexe ayay isaga baxeyn.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in hadda Deegaanka Bariire ay si buuxda ula wareegeen Ciidamo badan oo ka tirsan Ururka Al Shabaab oo dhowr jiha ka galay Deegaankaasi Istiraatiijiga ah.

Todobaadkii la soo dhaafay waxaa Deegaanka Bariire booqasho ku gaaray Taliyihii Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed Jeneraal Cirfdiid kaasi oo Khamiistii iska casilay xilkii uu dowlada ka haayay.

Deegaanka Bariire oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha  Hoose ayaa ah Deegaan Istiraatiiji ah isla markaana Magaalada Muqdisho qiyaas ahaan u jira  52 KM waxa uuna Magaalada kaga beegan yahay dhanka Konfur Galbeed .

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!