Ururka Al Shabaab Oo La Wareegay Deegaan Muhiim & Dagaal Culus Oo Socda

Read Time:58 Second

Warar dheeraad ayaa waxa ay soo baxayaan Weerar Qaraxyo ku bilowday oo aroortii hore ee saakay Al Shabaab ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada dowlada iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Baar Sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana halkaasi ka socda dagaal xoogan.

Dagaalka ka socda Deegaanka Baar Sanguuni ayaa waxa uu dhexamarayaa Ciidamada Dowlada Soomaaliya kuwa Jubbaland iyo  Al Shabaab oo dhinac ah,waxaan dagaalka la isku adeegsanaya hubka cul culus,iyadoo dhawaqa Rasaasta laga maqlayo deegaanada ka baxsan Baar Sanguuni ee duleedka Magaalada Kismaayo.

Ilo xog ogaal ah oo ayaa inoo sheegay in deegaanka Baar Sanguuni ay hadda kusii jeedaan Wafdi gurmad ah oo uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Saraakiil iyo Ciidamo hubeysan oo kabaxay Magaalad Kismaayo,waxaan la sheegayan in ay ku biiri doonaan dagaalka ee ka socda Baar Sanguuni.

Dhinaca kale Dagaalyahanada Ururka Al Shabaab ayaa sheegay in weerar ay kula wareegeen Saldhigii ay Ciidamada dowlada iyo kuwa Jubbaland ay ku lahaayeen deegaankaBaar Sanguuni ee duleedka Magaalada Kismaayo ee Jubbada Hoose .

Xaalad kacsanaan ah ayaa waxaa hada laga dareemayaa Deegaanada Baar Sanguuni iyo deegaana ku dhow dhow,iyadoona labada dhinac ee halkaasi ku dagaalamya ay kala gaarayaan gurmad Ciidan.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %