Ururka Al Shabaab Oo La Wareegay Deegaan Muhiim Ah Kadib Markii... * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ururka Al Shabaab Oo La Wareegay Deegaan Muhiim Ah Kadib Markii…

Ururka Al Shabaaab ayaa sheegay in ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Geedweyne ee Gobolka Gedo.

Sarkaal ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa Idaacadda Andalus ee ku hadasha Afka Al Shabaab u sheegay in dagaalyahanadoodu ay si buuxda ula wareegeen deegaanka Geedweyne, xaaladuna ay tahay mid degan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay arkeen boqolaal ka tirsan dagaalayahanada Al-Shabaab oo ku hubeysan hubka fudud iyo garneelada garbaha laga tuuro kuwaas oo ku roondeynayey gudaha iyo hareeraha deegaanka.

Deegaanka Geedweyne ayaa ka mid ah deegaanada dhaca duleedka degmada Dooloow ee ku dhow xadka u dhexeeya Wadamada  Kenya iyo Soomaaliya, Waxaana ku sugnaa saldhigyana ku lahaa Ciidamo taabacsan maamulka Jubbaland.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!