Ururka Al Shabaab Oo Gubay Tuulooyin Hoos Yimaada Degmada Xarardheere
Wararka aan ka heleyno Tuulooyin hoos yimaada Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa waxa ay ku waramayaan in Ururk Al Shabaab ay Gubeen Saddex Tuulo.
Ururk Al Shabaab ayaa Gubay Saddex Tuulo oo hoos yimaada Degmada Xarardheere.
Shalay ayeey aheed markii dadka Deegaanka Dumaaye ee u dhow Degmada Xarardheere ay dagaal la galeen Al Shabaab waxaana dagaalkaas ka dhashay Khasaaro xoogan oo soo gaaray labada dhinac.
Dadka Deegaanka Dumaaye oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Al Shabaab ay xoog uga qaateen lacag ay ku sheegeen Zako waad.
Dhinaca kale maamulka Galmudug ayaa shalay sheegtay in Dagaalka ka socda Koofurta Mudug ay qeyb ka tahay islamarkaana ay garab taagan tahay Dadka Shabaab la dagaalamaya.
Comments are closed.