
Wararka ka imaanaya Gobalka Bari waxey sheegayaan in qeybo ka mid ah Buuraha Goolis ay ku soo dhacday mid ka mid ah diyaaradaha dowlada Mareykanka.
Diyaaradan oo ah noocyada duuliye la,aanta ee Drone-ka ah ayaa waxey kusoo dhacday Buuraha Goolis gaar ahaan buuraha Calmadow, diyaaradan ayaa la sheegay iney aheyd nooca wax Basaasa.
Ururka Al Shabaab gaar ahaan Dagaalyahanadooda ka dagaalama Buuraha Golis ayaa sheegay iney gacanta usoo gashay diyaarad Drone ah oo ay leedahay dowlada Mareykanka ee inta badan duqeymaha ka geysata Xarumaha Al Shabaab ay ku sugan yihiin.
wali wax war ah kama soo bixin Maamulka puntland ee ku qadan soo dhicista diyaaradan oo ah nooca wax basaasa shabaabna ay sheegteen iney gacanta ku dhigeen.
Ciidamada Amaanka Puntland ayaa maalmihii dambe waxa ay dhaqdhaqaaq ciidan ka wadeen Buuraha Caalmadow ee Gobolka Bari, halkaasi oo ay ka raadinayeen Ciidamo katirsan Dagaalyahanada Al Shabaab.