Mareeg Media
Somalia

Ururka Al Shabaab Oo Ciidamo Aad U Farabadan Soo Dhoobay Duleedka Degmada Afmadow

Xiisad ayaa Maanta ka taagan degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose ka dib markii Dagaalyahanada Al Shabaab ay Ciidamo aad u farabadan ay soo dhoobeen duleedka degmadaasi.

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa Jubbaland ay wadaan abaabul ay ku doonayaan in ay kaga hortagaan weeraro Ururka Al Shabaab ay kusoo qaadaan.

Sidoo kale Ciidanka dowladda Kenya oo Saldhig ku leh Degmada Afmadow ayaa waxaa ay sheegeen in ay ka hortagayaan weeraro kaste oo kaga yimaada Ururka Al Shabaab.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!