Ururka Al Shabaab Oo Afduubtay Gaari Loogu Ololeynaayey Madaxweyne Uhuru Kenyatta

Read Time:34 Second

Dagaalyahano loogu shakisan yahay Ururka Al Shabaab ayaa la sheegay in ay qafaaleen gaadiid loogu ololeynayey xisbiga Jubilee oo uu u sharaxan yahay Madaxweynaha dalkaasi Uhuru Kenyatta.

Falkaan ayaa ka dhacay deegaanka falana oo ku yaala waqooyiga Magaalada Mandhera ee dalka Kenya,waxaana ilaa haatan la la’ yahay darawalkii gaariga waday iyo qaar kamid ah dadkii saarnaa gaariga.

Taliyaha Ciidamada Booliiska waqooyiga Mandhera Charles Chacha  ayaa sheegay in Afduubkan uu dhacay gelinkii dambe ee shalay, islamarkaana ay uga shakisan yihiin iney afduubteen Al Shabaab.

Afduubkaan ayaa kusoo beegmaya xili dagaalyahanada Ururka Al Shabaab ay sheegeen in ay dili doonaan cid walba oo ka qeyb qaadata doorashada dalka Kenya ka dhacaysa sanadkaan 2017-ka.

About Post Author

Xuseen Axmed

Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %