Urdun "IS iyo taageerayaashooda ayaa masuul ka ah nolosha & amaanka duuliye Mucaad" * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Urdun “IS iyo taageerayaashooda ayaa masuul ka ah nolosha & amaanka duuliye Mucaad”

Mareeg.com: Dowladda Urudun ayaa xaqiijisay in kooxda dowladda Islaamiga ah ay soo rideen diyaarad nuuca F16 ah ay lahaayeen ciidamada xirka dalkaas, xilli ay howlgal milateri ka wadda dalka Suuriya.

Si kooban ayaa taleefishinka qaranka ee Urdun looga xaqiijiyay sheegashada ay kooda isugu yeertay Dowladda Islaamiga ah ay baraha bulshada ku sheegatay in diyaarad milateri oo ay leedahay Urdun ay ku soo rideen waqooyi bari dalka Suuriya, iyadoo diyaaradaasi ay ka qeyb qaadanaysay weerraro lagu hayay meelaha ay ku xooggan tahay IS.

Dowladda Urdun ayaa sheegtay in amaanka iyo nolosha diyaaradaas uu dusha ka saaran yahay kooxda IS iyo dhinacayada taageera, sida warka loo dhigay.

Aabaha dhalay duuliye Mucaad Yuusuf ayaa ka codsaday dowladda Islaamiga ah iney wiilkiisa sii daayaan.

Waxaa taa ka sii daranse, in duuliyihii diyaaraddaasi, korneel Mucaad Yuusuf Allasaasibah, ay gacanta ku dhigeen.

Sawirrada ay kooxda IS soo dhigtay baraha internetka ayaa waxaa ay muujinayaan isagoo laga soo bixinayo biyo halkaasi oo ay diyaaraddu ku burburtay.

Waxa uu u muuqday qof dawakhsan laakiin badqaba, markii laga reebo inuu ka dhiigayay bishimaha.

Qoyska duuliyaha iyo dowladda Urdun, qabsashadiisa waxa ay u tahay naxdin weyn. Dowladda ayaa waxa ay arrintan ka yeelatay kulamo degdeg ah.

Fursadaha kala duwan ee ay haystana waxaa ka mid ah inay maleeshiyaadka ku qaado howlgalo dhulka ah, ama inay isaga baxdo isbahaysiga uu hogaaminayo Mareykanka.

Inkastoo ay aad u xuntahay sida ay IS ula dhaqanto maxaabiista ee ah inay gowracdo, ayaa haddana waxa ay u badan tahay in aanay wax war ah ka soo saarin halka uu ku dambeyn doono duuliyaha kahor inta aanay go’aan gaarin.

Maleeshiyada ayey suuragal tahay inay u isticmaalaan duuliyaha hab ay kula gorgortamaan Urdun iyo saddexda dal ee kale ee Carabta ah inay isaga baxaan isbahaysiga.

Urdun ayaa sidoo kale waxa ay gacanta ku haysaa tiro sarsare oo Islaamiyiin ah, marka waxaa suuragal ah in laga wadahadlo in la isdhaafsado.

Korneel Mucaad iyo qoyskiisa waxa ay ku duceysanayaan in dadka haysta aanay dilin.

Warar uu baahiyey TV Aljazeera ayaa sheegaya in kooxda IS ay isku khilaafsantahay waxa laga yeelayo duuliyahaaa reer Urudun.

Kooxa kasoo jeeda Suuriya ayaa la sheegaya iney doonayaan in la dilo, halka kuwa kasoo jeeda Ciraaq doonayaan in la sii hayo oo aan la dilin.

Dhanka kal, dowladda Mareykanka ayaa beenisay in kooxda IS ay soo rdieen diyaaradda reer Urdun, inkastoo Mareykanku uusan cadeyn sababta burburkeeda.

Duuliyaha diyaaraddan Mucaad Yuusuf oo 26 jir ah ayaa muddo 6 sano ah ka tirsanaan ciidamada Cirka dalka Urdun, lamana oga halka xaalkiisu ku dhamaan doono.

Waa diyaaradii ugu horreysay ee Isbaheysiga ka dhank ah IS ay leeyihiin oo la soo rido, iyadoo tan iyo bishii September weeraro cirka ah lagu hayo kooxda IS.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!