UNSOM Oo Derees Siisay Ciidamada Sugaya Amaanka Doorashada Madaxtinimada Puntland * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

UNSOM Oo Derees Siisay Ciidamada Sugaya Amaanka Doorashada Madaxtinimada Puntland

Garowe, Mareeg.com: Xafiiska siyaasadda ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) qaybtiisa Puntland ayaa maanta 600 oo ah diriiska ciidamada ku wareejiyey guddiga ammaanka Puntland xilliga doorashada.

Madaxa xafiiska UNSOM ee Puntland, Cumar Abuub ayaa deeqdan ku wareejiyey taliyaha guud ee ciidamada difaaca Puntland Jen. Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) oo mas’uul ka ah doorashada.

Cumar Abuub ayaa in deeqdani tahay mid kooban, oo loogu talagalay in la siiyo ciidamada sugaya ammaanka magaalada Garoowe xilliga doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee la qabanayo 8-da bisha Janaayo.

Wuxuu sheegay Cumar Abuub in dharkaan ciidamada uu dalbaday taliyaha ciidamada Puntland Gen. Saciid Dheere, “Uniformakan in la keeno waxaa codsaday Jen. Siciid Dheere, waxaana si gaar ah loogu tala galay xilliga doorashada” ayuu yiri Cumar Abuub.

Taliyaha guud ee ciidamada Puntland xilliga doorashada Jen. Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) ayaa uga mahad celiyey xafiiska UNSOM deeqda uu soo gaarsiiyey, isagoo sheegay inay kusoo beegantay xilli aad loogu baahnaa.

Inta badan deegaanada Soomaalida waxaa ciidamadu qaataan dhar kala duwan oo ciidan, taasoo shaki gelin karta qaabka amaanka loo sugayo.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!