UNSOM: Bulshada Jubooyinka & Gedo waa iney soo saaraan wax loo wada dhanyahay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

UNSOM: Bulshada Jubooyinka & Gedo waa iney soo saaraan wax loo wada dhanyahay

Mareeg.com: Howlgalka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (UNSOM) ayaa soo dhoweeyay shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka ee Talaadadii shalay ka furmay magaalada Kismaayo.

Ku-xigeenka ergayga-gaarka ah ee xoghayaha-guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (DSRSG), Fatiha Serour, ayaa soo dhowaysay Shirka  dib-uheshiisiinta  ee ka bilowday Kismayo, maadaama uu shirka yahay talaabo loo qaaday dhinaca wanaagan, laguna adkaynayo nabadda gobolka, sidoo-kalena lagu horumarinayo habka qaran dhiska Soomaaliya.

Shirka, oo uu Madaxwayne  Xasan Sheekh Maxamud, u furay si rasmi ah, 16 September, ayaa lagu wadaa in lagu horumariyo guuliyii ka dhashay heshiiskii lagu saxiixay Addis Ababa bishii Agoosto 2013, iyo heshiiskii lagu saxiixay shirkii dib-u heshiisinta Jubba, saxiixaas oo ka dhacay Muqdisho bishii Nofember 2013.

“Dadka iyo Madaxda Maamulka ku-meelgaarka ah ee Jubba waxay si cad u doonayaan nabad, shirkan dib-uheshiisiintuna wuxuu ka turjumayaa rabitaankaas,” ayay tiri Ku –xigeenka ergayga gaarka ah, Fatiha Serour.

“Waxaan ku guubaabinayaa dhamaan ka qayb-galayaasha shirka in ay abuuraan jawi u suurta gelinaya shirka in ay ka soo baxaan qaraaro ay u wada dhanyihiin dhamaan dadka ay arrintu khusayso- sida haweenka, dhalinyaradda, odayaasha dhaqanka, ayada oo aan loo eegaynin sida ay tahay xaladooda bulsho amaba dhaqaale– waana in ay ka qayb-qaataan habka nabad soo celinta iyo qaran dhiska guud ee ummadda Soomaaliya” ayay sidoo kale tiri Fatiha Serour.

“Habkan dib-uheshiisiinta ahi wuxuu kale oo uu muhiim u yahay sidii Maamulka ku- meelgaarka ah ee Jubba uu u samaysan lahaa qorsho-howleed uu kor oogu qaadayo wacyigiisa ama awoodiisa waxqabad- waxaana loo baahan yahay in la gaaro guulo waxtar leh si horay loogu mariyo habka maamul dhisidda”, ayay tiri Fatiha Serour.

Fatiha Serour, waxay u mahad celisay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, Hogaamiyaha Maamulka ku meel-gaarka ah ee Jubba, Axmed Maxamed Islan Madobe, iyo Maamulkiisa, iyo jaalayaasha kale ee ka socday bulshada caalamka, sida Urur Goboleedka IGAD, Jabaan, Ururka Midowga Yurub, Turkiga iyo Talyaaniga kuwaas oo suurta geliyay in uu qabsoomo shirka dib uheshiisiinta iyo taageeridda ay taageerayaan himilooyinka dadka Soomaaliyeed ee ku aadan  nabad samaynta.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!