UNHCR: Saddex magaalo ayey qaxootiga Soomaalida ee Kenya ku laaban karaan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

UNHCR: Saddex magaalo ayey qaxootiga Soomaalida ee Kenya ku laaban karaan

Nairobi – Mareeg.com: Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa ku dhawaaqday deegaannada ay la tahay iney ammaan yihiin ee ay suuragal tahay iney ku laabtaan qaxootiga Soomaalida ee ku nool xeryaha dalka Kenya.

Madaxa UNHCR ee Kenya Raouf Mazou oo manta shir jaraa’id ku qabtay Nairobi ayaa sheegay in wada-tashiyo ay dhinacyo kala duwan la yeesheen kaddib ay ku ogaadeen in goobaha nabdoon ee lagu celin karo qaxootiga Soomaalida ay yihiin magaalooyinka Luuq, Baydhabo iyo Kismaayo.

Mazou ayaa sheegay in saddexdaas goobood ay ka jirto nabadgelyo, marka loo eego deegaannada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, isagoo intaas ku daray in ciddii dooneysa in ay dalka dib ugu laabato ay ka caawinayaan in ay deegaannadaas aadaan.

UNHCR waxay sheegtay in qaxooti ay ikhtiyaar u leeyihiin goobaha ay tagayaan, laakiin kaliya ay iyagu gargaar ku bixinayaan in dadku ay ku laabtaan magaalooyinkaas.

Dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo hay’adda UNHCR ayaa bishii November ee sanadkii 2013 gaaray heshiis lagu celinayo nus malyuun qaxooti Soomaali ah oo ku jira xeryaha Dhadhaab.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!