Mareeg.com: Madaxa howgallada ee hay’adda Qarammada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ee xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya, Axmed Baba Fall ayaa sheegay in aanay qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool Dhadhaab dib ugu celin karin Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee waaweyn ee Soomaaliya, xitaa haddii ay qaxootiga sidaas raboodaan.
Arrintaas ayuu mas’uulka sabab uga dhigay in heshiiskii ay kala saxiixdeen hay’adda UNHCR iyo dowladaha Soomaaliya iyo Kenya uu dhigayay in qaxootiga iskood u noqonaya loo celin karo oo keliya degmooyinka Kismaayo, Baydhabo iyo Luuq ee gobollada Jubbada hoose, Baay iyo Gedo.
Wuxuu tilmaamay in heshiiskii saddex-geesoodka ahaa uu dhigayay in dadka saddexdaas magaalo ka yimid laga caawiyo sidii ay ku laaban lahaayeen.
Axmed Baba ayaa shalay Bar-kulan u sheegay in dadka ka yimid deegaannada kale ee qaxootiga ah ee diyaar u ah inay ku laabtaan Soomaaliya aysan dib u celin karin, inta mar kale heshiis ay ka gaarayaan dowladha Soomaaliya, Kenya iyo UNHCR.
Wuxuu tilmaamay in marka heshiis laga gaaro kadib xitaa ay ku xiran tahay xaaladda deggenaasho ee Soomaaliya iyo sida ay u diyaarka u yihiin dadka doonaya inay ku laabtaan deegaannada ay kasoo qaxeen.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.