UNHCR: Kenya kama helin amar lagu rarayo qaxootiga * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

UNHCR: Kenya kama helin amar lagu rarayo qaxootiga

Mareeg.com: Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inaysan ka helin amar rasmi ah dowlada Kenya si loo xiro xerada qaxootoga oo ay ku jiraan boqolaal kun oo qaxooti.

Sabtidii, madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto, ayaa sheegay inuu siiyay saddex bilood Hayadda qaxootiga ee UNHCR inay ku xirto xerada saddex bilood gaysana qaxootiga Soomaaliya. Hadii kale ayuu yiri Kenya inay iyada xiri doonto.

Afhayeenka hay’adda UNHCR ee Kenya, Emmanuel Nyaber ayaa sheegay in dowladda Kenya ay ku xadgudbeysa xuquuqda Qaxootiga iyo qawaaniinta caalamiga ah ee dhanka qaxootiga.

ayaa madaxda Kenya ka dalbaday inay ilaaliyaan heshiiskii saddex geesoodka ahaa ay kal hore kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Wakiilada ka socday hay’adda UNHCR.

 

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Kenya ayaa aaminsan in xerada qaxootiga ay noqotay meel Alshabaab laga qoro. Alshabaab ayaa xasuuqday ku dhawaad 150 arday jaamacada Garissa ee waqooyi bari Kenya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!