Muqdisho, Mareeg.com: 5 gaari oo nuuca ambalaasta ah oo loogu talagalay in loogu adeego hooyada Soomaaliyeed ayaaa manta hay’adda UNFPA ku wareejisay wasaaradda adeega bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya.
Wakiilka Hay’adda deeqdaasi maanta keentay C/laahi Nuur Maxamed oo goobta ka hadlay ayaa ugu horeyn ka hadlay deeqdaasi oo uu sheegay in ay tahay mid ay ugu talagaleen in loogu adeego shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu intaa ku daray in ay sii wadayaan wax u qabashada bulshada Soomaaliyeed.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Adeega bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Macalin yaxye oo isagu deeqdaasi kala wareegay hay’adda UNFPA ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay kaalmadaasi soo gaartay, waxaana uu hoosta ka xariiqay in gawaaridaan qaarkood loogu deeqi doono isbitaalada ku yaala gobollada dalka, si ay ugu adeegaan bulshada gobolladaasi ku dhaqan.
Mareeg.com