UN Representative for Somalia welcomes progress towards a political deal in south west Somalia * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

UN Representative for Somalia welcomes progress towards a political deal in south west Somalia

Mareeg.com-Mogadishu, 20 May 2014 – The Special Representative of the UN Secretary-General for Somalia (SRSG), Nicholas Kay, met a delegation from south west Somalia led by Madobe Nunow, and urged all parties in Baidoa to reach an inclusive agreement under the leadership of the Federal Government.

Tensions in Baidoa remain as the leaders of rival political groups, Madobe Nunow and Mohamad Abdi Noor ‘Madeer’, pursue competing initiatives for either a six region or three region federal state in south west Somalia.      

“My meeting today was in support of the negotiations led by the Prime Minister of Somalia, Abdiweli Sheikh Ahmed. I welcome the readiness of all parties to engage in talks without pre-conditions to find a peaceful solution and I am pleased at the progress being made. I urge all parties to reach an inclusive political settlement that will open the way to the formation of an interim regional administration in south west Somalia, recognised by the Federal Government and supported by international partners.  Under the leadership of the Federal Government all parties need to reach an agreement that respects the Provisional Federal Constitution and existing agreements. Ensuring inclusive governments in all interim administrations is also vital. This applies for the Juba Interim Administration (JIA) and for the future south west Interim Administration which, I hope, will soon take its place alongside the JIA.  

“An early settlement and formation of an Interim Administration will enable international partners to engage fully with the region through the New Deal Somalia Compact. It will also clear the way for improved security and a more effective campaign against Al Shabaab. The United Nations remains committed to supporting the Federal Government’s peace-building and state-building efforts. I am ready to meet all sides in the search for lasting peace and prosperity for Somalis. Time is of the essence and I hope no one will stand in the way of progress,” Mr Kay said.


Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan  Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM)

Faafin Degdeg ah

WAR SAXAAFADEED 21/2014

Ergeyga Qaramada Midoobey u Qaabilsan Soomaaliya ayaa soo dhoweeyey horumarka ilaa iyo hadda laga gaarey xalka siyaasadeed ee koonfur galbeed Soomaaliya

Muqdisho, 20 Maajo 2014 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u Qaabilsan Soomaaliya (SRSG), Nicholas Kay, ayaa la kulmey wafdi ka socda koofur galbeed Soomaaliya oo uu hogaaminayo Madoobe Nuunow, wuxuuna ugu baaqey dhammaan dhinacyada (ay arintu khuseyso) in ay arimaha Baydhaba ka gaaraan heshiis loo wada dhan yahay kaas oo ay garwadeen ka tahay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.

Weli muran ayaa Baydhaba ka taagan maadaama madaxda siyaasadda isaga soo horjeeda, Madoobe Nuunow iyo Maxamed Cabdi Nuur Madeer, uu mid walba wato hindisayaal siyaasadeed ee is-diidan kuna qotoma maamul u sameynta gobollo ka kooban lix ama saddex gobol ee koonfur galbeed Soomaaliya.

“Kulankeyga maanta wuxuu ahaa mid aan ku taageerayey wadahadaladda uu garwadeenka ka ahaa Raysulwasaaraha Soomaaliya, Cabdi Weli Sheekh Axmed. Waxaan soo dhoweynayaa diyaar ahaanshaha dhammaan dhinacyada (ay arinta khuseyso) si ay u yeeshaan wadahadallo aan shuruudi ku xirneyn ayna ku baadi goobayaan xal nabadi ku dhisan tahay. Waxaanan ku faraxsanahay ilaa iyo hadda horumarka la gaarey. Waxaan ku guubaabinayaa dhammaan dhinacyada (ay arinta khuseyso) in ay gaaraan xal siyaasadeed oo loo wada dhan yahay kaasoo u horseedaya habkii lagu sameyn lahaa maamul goboleed kumeelgaar ah oo uu yeesho koonfur galbeed Soomaaliya, maamulkaas oo aqoonsi ka helaya Dowladda Federaalka Soomaaliya sidoo kalena taageero ka helaya bulshada caalmaka. Ayadoo ay garwadeen ka tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa looga baahan yahay dhammaan dhinacyada (ay arintu kuseyso) in ay gaaraan heshiis ixtiraamaya Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka ah iyo heshiisyada hadda jira. Waxaa kale oo iyadana aad muhiim u ah in la xaqiijiyo in dhammaan maamul goboloeedyada kumeelgaarka ah ay ahaadaan kuwo loo wada dhan yahay. Arintani waxaa ay khuseysaa maamulka Kumeelgaarka ah ee Jubba (IJA) iyo Maamulka kumeelgaarka ah ee mustaqbalka ka dhallan doona koonfur galbeed kaas oo aan rajeynayo in uu si dhakhso leh u taabogalo.

“Xal si dhakhso leh loo helo sidoo kaleetana loo sameeyo maamul kumeelgaar ah, ayaa u suurta-gelinaaya bulshada caalamka iney si buuxda ula shasqeyso maamulka (koonfur galbeed) ayadoo u mareysa Qorshaha Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya (the New Deal Compact for Somalia). Sidoo kale waxay arintu albaabka u fureysaa sidii lagu horumarin lahaa arimaha amniga, si waxtar lehna loola dagaalami lahaa Al Shabaab. Qaramada Midoobey waxaa ka go’an in ay sii waddo taageerada ay siineyso Dowladda Federaalka Soomaaliyeed kuna aadan qorshaheeda nabad sameynta iyo qaran dhisidaba. Waxaan aniga diyaar u ahay in aan la kulmo dhammaan dhinacyada (ay arintu khuseyso) si loo baadigoobo helitaanka nabad waarta iyo barwaaqo ka dhalata Soomaaliyaba. Waxaa aad muhiim in waqtiga laga faa’iideysto, waxaanan rajeynayaa in uusan qofna horistaagin wadada lagu gaarayo horumarka” ayuu yiri Mudane Kay.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More