Read Time:1 Minute, 26 Second
Mareeg.com: Ergeyga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee Qarammada Midoobay Nicholas Kay ayaa cambaareeyay weerarkii shalay lagu qaaday wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.
In kabadan 17 qof oo ay ku jiraan raggii Alshabaab ee weerarka geysatay ayaa ku dhimatay weerarkaas oo ay sheegatay Al-Shabaab.
War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Kay ayaa lagu sheegay in weerarka lagu qaaday wasaaradda waxbarashada ay ka dhigan tahay dagaal lagula jiro dadaalka dadka Soomaalidu ay ku doonayaan inay ku dhistaan mustaqbal wanaagsan.
Wuxuu tilmaamay in la doonayo in loo midoobo sidii looga guuleysan lahaa Alshabaab oo uu sheegay iney dhibaato ku yihiin nabadda iyo horumarka dalka.
Wakiilka ayaa xusay in Qarammada Midoobay ay sii wadi doonto taageeradeeda Soomaaliya ee la dagaallanka argagxisada iyo ka shaqeynta nabadda iyo horumarinta dalka.
Wuxuu tacsi u diray ehellada dadkii ku geeriyooday weerarka, isagoo caafimaad u rajeeyay kuwa dhaawaca ah.
Dhanka kale, Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, James P. McAnulty ayaa waxaa si adag uu u cambaareeyay werarkii arxan darada ah ee lagu qaadey wasaaradda taclinta 14-kii April, waxaanu markale u xaqiijinayaa Dowladda Mareykanka in ay garab taagantahay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed si looga horjeesto ururka Al-Shabab.
Ergeyga waxaa uu u mahad celinayaa cidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM sida ay usoo gabagabeeyeen werarkan, iyagoo qaarkood ay naftoodu ku waayen goobtaasi.
Werarkan ay fulinimada ku dheehantahay ee lagu qaadey wasaaradda waxbarashada ayaa waxay cadeyneysaa in argagixisadda ay ka soo horjeedaan hormarinta taclinta dadka Soomaalida. Werarakan nagama wecin doono la dagaalanka aan kula jirno xagjirnimadda iyo qatarata Al-shabab ay ku hayso Soomaliya iyo wadamada bariga Afrika.
Dowladda Mareykanka waxaa ay gaarabtaagantahay umadda Soomaliyeed si looga tirtiro argagixisada dhamaan dalka Soomaaliya.
Mareeg Media
Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame
Whatup :+447737886245
Happy
0 0 %
Sad
0 0 %
Excited
0 0 %
Sleepy
0 0 %
Angry
0 0 %
Surprise
0 0 %